|
Ka Hortagga
Lacagta La Dhaqay
Tusmabixiye Adeegyada Shaqada Ganacsiga Lacageed
|
|
Nidaamyada Lagaga Hortagayo Falalka
Dembiyeed ee La Xiriira Maaliyadda Wasaradda Hantidhowrka Mareykanka Washington, DC |
|
Waxaa lagayaaba shaqadaada ganacsi inay tahay adeegyada shaqo ganacsi lacageed haddii…
-IYO-
-AMA-
Jadwal Tusmo Kooban
Horudhac Lacagta waxaa loo dhaqayaa in lagu qariyo falal aan sharci ahayn, ay ku jirto falal dambiyeed oo isla lacagtaasi ka timid sida beec mushtarka daroogada. Lacagta la dhaqay waxaa lagu qariyaa ilaha aan sharciga ahayn oo ay ka timid si loo isticmaalo ayadoon la ogaanin raadka faldambiyeedka ay ka timid. Hay'adaha Maaliyadeed - taasoo ku jirto xiriirada ballaaran ee adeegyada shaqada ganacsi lacgageed (MSBs) waxay qabaan labadaba ka qaybgalayaan wax fahmi karo ama wax fahmi karin falalka lacagta la dhaqay. Bangiyada waxay ahaayeen bartilmaamyada ugu badan ee howlfulinta dhaqidda lacagta , maxaa yeelay waxay bixiyaan adeegyo iyo alaabo lacageed ee ku jirto jeegaga damaanada (cashier's checks) , jeega socotada iyo hab gudbin lacageed (wire transfer) oo loo isticmaali karo in lagu qariyo ilaha ay ka yimaadeen oo aan sharci aan ahayn. Sidoo kale, dambiilayaasha waxay isticmaalayaan Adeegyada (MSBs) - oo ah adeegyo bixinayo jeega wareeg, jeega socotada, xawilaadaha lacagta, jeeg damaanad, isku beddelaada lacagaha, iyo qiimaha kaydsan - si ay u qariyaan asalka ay ka timid hantida. Si ay isu difaacaan, una taageeraan waddanka gudihiisa iyo dadaalka adduunweynaha xagga ka hortagga Dambiyada la xiriira maaliyadda, waxaa muhiim ah in Adeegyada (MSBs) ogyihiin nidaamyada ay u shaqeyneyso dhaqitaanka lacagta. Tilmaantani waxay bixinaysaa aasaas macluumaad oo ku saabsan sharciyada lacagta la dhaqay, waxaa lagaga hadlayaa tillaaboyinka caalamku ka qaaday,waxayna muujin nidaamyo badan oo la xiriira hay'adaha maaliyadda , waxayna bixin tusaale digniino qayaxan oo laga yaaba iney waxtarto Adeegyada Sameeya Macaamilada Lacagaha- inay iska difaacaan lacagaha la dhaqay iyo dambiileyaal kale. Dhaqitaanka Lacagta waxay noqon kartaa dhowr howlfulino oo isku jiraan. Waxay qusaysaa saddex maraxaladood oo mararka qaarkood isu dhameystiraya. Meelaynta waxay ku lug leedahay in si muuqaal ahaan lacag sharci darro lagu helay lagu meeleeyo qaab maaliyadeed. Lacagta waa midda ugu sahlan in la ogaado iyo in la qabto marka la meeleynayo. Dhigista (Kala dhig-dhigiida) waxay quseysaa kala saaridda lacagta sharci darrada ka timid iyo faldambiyeedka ay ka timid ayadoo la soo marsiiyey si taxan macaamil maaliyeed oo ka dhigeyso arrin aad u adag si loo raad raaco meesheey ka timid asalkeeda. Isku darrida waxay quseeysaa in hawsha loo wado si u eg hab sharci ah. Iskudarridda waxaa ku jiri kartaa iibsasho gaari, shaqo ganacsi iyo guri la gato, iwm. Waxyaabaha muhiimka ah oo isku xirayo saddexda marxaladood ee habka howsha u socoto waa "warqadaha raad-raaca ah "oo ka soo abuurantay macaamilka maaliyadeed. Hal siyaabood ay dambiileyaasha lacagta dhaqo ay iska ilaaliyaan warbixinta iyo diiwaangelinta waa habdhismo macaamilo ganacsi lacag, jujuubid ama in shaqaalaha oo la laaluusho inaysan fayl-gareynin warbixinnada layska rabo ama in la buuxiyo sharuudaha xusuus dhowrka ama in la sameeyo shaqo ganacsi u muuqata sharci sida loo furan lahaa xisaab ama loo sameeyo xiriir macaamil ganacsi ah. Sanadahan dhow, wadamo badan waxay fuliyeen sharciyo lagula dagaallamayo lacag dhaqidda. Dadka nidaamiyo Adeegyada Maaliyadda iyo haya'adaha xoojinta adduunka ku fidsan waxay ku howlan yihiin siday ku hormarin lahaayeen isgaarsiinta iyo inay isdhaafsadaan macluumaadka Dhabargoyinta lacagta la dhaqay. Buugaani, waxaad ka heli doontaa arrimo kooban ee la xiriira dhaqdhaqaaqa caalamiga sida dowladda. Mareykanka ay u xoojisay la dagaallanka lacagta la dhaqay. Waxaad kaloo ka heli kartaa habab oo ku saacidayo sidaad ula dagaalami lahayd lacagta la dhaqay adoo ka dhigaya mujtamacaaga- iyo waddaankaaga -meel nabadgalyo ka jirto lagu noolan kara, laguna shaqeyn kara. Fulinta Nidaamyada Lagaga Hortagayo Falalka Dambiyeed ee la Xiriira Maaliyadda (FinCEN), waa qaybta Hantidhowrka Dowladda Mareykanka waxay maamushaa ayna soo saartaa xeerar ku dabakhan Waxkaqabashada Layskarabo ee Sirqarinta Bankiga (BSA). Iyadoo la isticmaalayo BSA warbixiintooda iyo xusuus hayntooda, waxaaa la sameeyey "warqado raad-raac" ee la xiriira macaamil ganacsi ay dadka fulinaya sharciga iyo kuwo kale ay u isticmaali karaan baarista dambiyada, canshuuraadka iyo nidaaminta. Warbixinnada iyo diiwaangelinta oo la siinayo BSA waxaa lagu dabakhi karaa Bangiyada Keydka iyo Deynta (Credit Unions) iyo kuwa ah haya'adaha keydinta (Guud ahaan loo yaqaan "Bangiyo") iyo shaqo ganacsiyo kale loo caddeyay iney yihiin haya'adaha maaliyadda, ay ku jiraan meelaha lagu dheelo qamaarka, dallaalo iyo ganacsada ka shaqeeysto caymisyada, iyo adeegyada sameeyo shaqo ganacsi lacageed (Isugeyntooda lagu tilmaamay Inaysan ahayn Bangiyo). Xeerarka Waxqabashada Layskarabo Sirqarinta (BSA) waxay rabtaa Adeegyada Shaqada Ganacsi Lacageed (MSBs) inay iska diiwaangeliyaan Fulinta Nidaamyada Lagaga Hortagayo Faldambiyeedka la Xiriira Maaliyadda (FinCEN) inayna haystaan liis wakiilo haddi ay jiraan. Sidoo kale, xeerarka BSA waxay rabaan Adeegyada sameeya Shaqo Ganacsi iney u soo warbixiyaan falal kasta oo laga rabo FinCEN. (Fiiri 103.20) 1. Diiwaangelin-shaqo ganacsi waliba oo ku qeexan magaca Adeegyada Sameeya Shaqo Ganacsi Lacageed waa inay iska diiwaan geliyaan , oo aanan ku jirin kuwa soo socda:
Tixraac http://www.fincen.gov/financial_institutions/msb/ oo casriyeysan adoo ka helaaya Addeegyada Sameeya Shaqo Ganacsi lagaheed marka laga rabo inay is diiwaan geliyaan. 2. Liiska Wakiilada —
3. Warbixinta Falalka Laga Shakiyo (SAR) - Adeegyada Sameeya Shaqo- ganacsi lacageed oo laga rabo inay fayl-gareeyaan waa:
Fulinta Nidaamyada Lagaga Hortagayo Falalka Dambiyeedka ee la xiriira Maaliyadda(FinCEN), waxay ku tala jirtaa inay dib u saxdo Xeerarka Warbixinta la Xiriira Falaka Laga Shakiyo (SAR) si ay dadka sarrifo jeega inay ka warbixiyaan falalka laga shakiyo.
Adeegyada sameeya shaqada ganacsi lacageed (MSBs) waa inay hayaan dhammaan nuqallada faylasha ay u direen falalka dhalinaya shakiga iyo xitaa asliga iyo diiwaangelinta shaqo ganacsi la mid ah iyo wixii dokumenti ah oo taageeraya in muddo 5 sano ee laga soo billaabo taariikhdii la sameeyay warbixinta.
4. Barnaamijka Ka Hortagidda Lacagta La Dhaqay (AML) - Dhammaan adeegyada MSBs ay ku jiraan kuwa soo saaraya , kuwa gadaya, ama dib ugadanaya qiimaha keydsan waxaa laga rabaa inay horay u mariyaan iyo inay fuliyaan Barnaamijka ka Hortagga Lacagta La Dhaqay sida ay rabto Qaybta 352 USA PATRIOT Act iyo fulinta xeerarka 31 CFR 103.125. 5. Warbixinta Macaamilka Lacagta(CTR) -Adeegyada Sameeya Shaqo Ganacsi Lacageed (MSBs) waa inay u fayl-gareeyaan Warbixinta Macaaamilka Lacagta macaamilkasta oo ku jirta lacag ka badan $10,000 doolar, ha ahaato lacag caddaan ah oo la qabtay ama la bixiyey oo lagu fulayey ama loo maray Adeegyada Sameeya Shaqo Ganacsi Lacageed hal maalin gudaheed qof sameeyey amd qof matalaya isla qofkaasi. 6. Warbixinta Alaabta Qiimo Lacag Leh - Adeegyada (MSBs) waa inay hayaan macluumaadka qaarkood ee iibinta aalaabaha qiimaha lacagta leh - sida jeega wareega ama jeega socotada-laga billaabo $3,000- $10,000 doolar iskudarka guud. 7. Qaanuunka Xawilaadda Lacagta-Adeegyada (MSBs) waa inay hayaan macluumaad qaarkood oo ku saabsan xawilaad lacag sida diridda ama qabashada amarbixinta xawilaad lacag oo ah $3,000 doolar ama ka badan, iyadoon la tixgelin habka lagu bixiyey. 8. Diiwaangelinta Beddelada Lacagta - Adeegyada (MSBs) waa inay hayaan diiwaangelin qaarkood lacag waliba oo la beddelo oo ka badan $1,000 doolar. 9. Xafidaada Diiwaangelinta - Dhammaan diiwaangelinta Waxkaqabashada Layskarabo Sirqarinta Bangiga (BSA) waa in la xafidaaa illaa muddo 5 sano, waana in la fayl-gareeyaa ama loo keydiyaa qaab oo haddii loo baahdo la heli karo muddo dhexdeed oo macquul ah. Xeerarka Waxkaqabashada Layskarabo Sirqarinta Bangiga (BSA) waxay ka rabtaa Adeegyada (MSBs) inay u diiwaangeliyaan Fulinta Nidaamyada Lagaga Hortagayo Faldambiyeedka La xiriira Maaliyadda (FinCEN) kama dambeysta Disembar 31, 2001. Adeegyada Sameeya Shaqo Ganacsi Lacageed (MSB), oo la aasaasay taariikhdaas kaddib waa inay is- diwaangeliyaan ugu dambeystii dhammaadka muddo 180 maalmood laga soo billaabo kaddib taariikhdii la asaasay.Laanta ama wakiilka keliya ee Adeegyada MSB ma laga doonayo inay fayl-galeeyaan qaabka diiwaangelintooda. Adeegyada Boostada Mareykanka iyo Wakaaaladaha Federalka iyo Dawladda lagama doonayo inay is diiwaangeliyaan. Xittaa, adeegyada (MSBs) oo bixinaya qiimha keydsan keliya lagama rabo inay is-diiwaangeliyaan waqtigani. Adeegyada (MSBs) waxaa laga rabaa inay cusbooneysiiyaan diiwaangelintooda laba sano waliba ee Disembar 31 dhammaadka taariikhda laba sanadood, iyagoo tixraacayo diiwaangelintoodii hore. Sidoo kale, Adeegyada MSBs oo laga doonayo inay is diiwaangeliyaan waxaa kaloo laga rabaa inay diyaariyaan oo ayna xafidaan liiska wakiiladaha, haddii ay jiraan, Janaayo 1 ee muddo 12 bilood soo socota. Adeegyada (MSB) waa inay isku diiwaangeliyaan ayagoo u fayl-gareynayo Fulinta Nidaamyada Lagaga Hortagayo Falalka Dambiyeed ee la xiriira Maaliyadda (FinCEN) Foomka 107, diiwaangelinta Adeegyada Sameeya Shaqo Ganacsi Lacageed oo laga helayo http://www.fincen.gov/financial_institutions/msb/ ama la waco IRS Qaybta qaybinta Foomamka 1-800-829-3676. Diiwaangelinta waa masu'ulyad saaraan milkiilaha ama qofka ilaalinaya adeegyada MSB oo ah qofka saxiixaya oo fayl-gareynaya foomka diiwaangelinta oo dhammeystiran. Adeega MSB oo laga rabo inuu is-diiwaangeliyo oo qabaan wakiilo waa inay diyaariyaan oo ayna xafidaan liiska wakiiladaasi. Liiskani waa inuu ahaado mid casriyeysan, ugu dambeystii 1da Janaayo ee sannad waliba. Adeega MSB waa inay Fulinta Nidaamyada Lagaga Hortagayo Faldambiyeedka La Xiriira Maaliyadda (FinCEN) ka heli karaan liiska wakiiladooda iyo kuwo kale oo ku habboon fulinta sharciga oo ay ku jirto IRS, marka la weydiisto. Guud ahaan liiska wakiilada waa inay ku jiraan
Dokumentiga taageerayo, ku jira nuqul diiwaangelinta foomamka la fayl-gareeyey, qeeymeynta cabirka shaqada ganacsi, macluumaad ku taqlusan lahaansho ama kontarool iyo liiska wakiilka waa iney adeegyada MSB xafidaan muddo 5 sannadood. Ciqaabta Madaniga iyo tan dambiilaha waxaa lagu waajibin karaa inay jibiyeen sharciga iyo xeerarka dhabargoynta lacagaha la dhaqay. Ciqaabta waxay noqon kartaa ganaax adag iyo muddo xarig ah. Adeegyada (MSB) kasta oo ka soo bixi waayo inuu adeeco Waxqabashada Layskarabo Sirqarinta Bankiga (BSA) inuu soo wargeliyo iyo inuu diiwaangeliyo wuxuu la kulmi karaa ciqaab madani oo ah $500 doolar xadgudabka uu sameeyey iyo tiro ka sii wayn markuu ugu talagalay xadgudabka: tirada lacag ee ku lug leh xawaaladda ay tahay illaa $100,000 doolar ama $25,000 doolar. Duruufaha qaarkood, shaqada ganacsi waa loo qaban karaa masuuliyad dambi oo ka timid falal ay sameeyeen shaqaalahooda. Tan ugu sarreeysa ciqaabta dambi oo lagu sameeyey xadgudab Waxkaqabashada Layskarabo Sirqarinta Bankiga (BSA) waa illaa iyo 500,000 oo doolar ama la xiro illaa 10 sano ama labadaba. Sidaa darteed waxaa muhiim ah inuu jiro hab lagu xaqiijiyo inay shaqaalaha raceen dhammaan sharciyada iyo xeerarka lagu dhabargoynayo lacagta la dhaqay. Adeegyada Sameeya Shaqo Ganacsi Lacageed (MSBs) waxay sameyen karaan dadaal dheeraad ah ay ku taageeraayeen dawladda Federaalka fulinta dhabargoynta lacagta la dhaqay. Ugu yaraan adeegyada MSB sameeyo shaqo ganacsi lacageed waa inay u faylgareeyaan Warbixinta Waxkaqabadka Sirqarinta Bangiga (BSA) si habsami ah iyo waqti nidaamsan, inayna curiyaan ayna u hayaan si taxadir ah xusuusaha BSA ee layska rabo muddo duruuri ah dhexdeed, inay sugaan ayna haayaan qorsho caddeecid iyo in loo xoggaansanaado dhammaan tilmaamaha qaybta hantidhworka dowladda oo la xiriira Waxkaqabadka Layskarabo Sirqarinta Bangiga (BSA)
Way Saacidi Karaan Ladagaalanka Lacagta La Dhaqay. Sameeynta Barnaamijka u Hoggaansanaanta Dhabargoynta Lacagta la Dhaqay.
Adeegga Sameeya Shaqo Ganacsi Lacag waliba waxaa laga rabaa si sharci ah inuu haysto qorsho aaddecid ee Dhabargoynta Lacagta La Dhaqay (AML). Xeerarka waxay ka rabaan Adeegyada MSBs inay hormariyaan ayna xafidaan Dhabargoynta Lacagta La Dhaqay Qorshaheeda Aaddeecidda oo ku jirta 31 CFR 103.125. Qorsho waliba waa inuu u dhigmo khatarta ku aadan meelaha, cabbirka, nooca iyo baaxadda ay sameeyeen adeegyada shaqo ganacsi lacageed (MSB). Tusaale ahaan, lacag baaxad wayn oo lagu gudbiyey shaqo ganacsi oo wayn oo meel nawaaxiga ee Los Angeles xiga, taasoo khatarteeda sareeyso haddii loo fiiriyo jeeg yar oo lacag caddaan ah oo hooseeyo baaxaddiisa ee shaqo ganacsi ee meel ku taala Boise. Sidaa darteed tiro wayn oo lacag ah ee laga gudbiyay California waxaa laga rajeynayaa inay qabto arrimo aad u dhib badan oo hoggaansanaanta qorshaha Dhabargoynta Lacagta La Dhaqay (AML) haddi loo fiiriyo inta u dhiganto sarreynta khatarta jeega ugu yar ee laga sarriftay Idaho oo khatartiisu aad u hooseyso isticmaal ahaan uma fududayn karto lacagta la dhaqay. Qorsho wax tar leh waa kan loogu talagalay inay ka hortagto Adeegyada MSB u fududaynta loo isticmaali karo lacagta la dhaqay. Barnaamijka U Hoggaansanaanta Dhabargoynta Lacagta La Dhaqay Waliba waa inuu ahaadaa qoraal waana inay lahaato:
Fulinta Nidaamyada Lagaga Hortagayo Faldambiyeedka Maaliyadda (FinCEN) waxay dhiirinimo gelinaysa Adeegyada (MSBs) inay qaataan siyasado iyo habab loo midoobay Guddiga Bayaanka Basel Mabaadiida ku Saabsan Lacagta La Dhaqay inay si degdegsiimo u soo jeediyaan:
Aqoonsi aad loo adkeeyey ee qofka macaamilka iyo hubsasho qorsho iyo howlful waxay u noqon karaan haya'adaha maaliyaadda hubka ugu wax tar weyn u leh ka hortagga lacagta la dhaqay. Warsashada haboon ee aqoonsiga iyo hubinta macaluumaad arrimaha qaarkood, iyo in laga foojignaado waxyaabo aan caadi ahayn ama macaamil xawilaad oo shaki ku jiro waxay taageeri karaan Adeegyada Sameeya Shaqo Ganacsi Lacageed (MSB) inay ka helaan iyo inay ka ogaadaan nidaamka lacagta lagu dhaqay. Aqoonsiga qofka macamilka iyo xaqiijinta qorshaha loo jaangooyey shaqo socodsiin ee u gaar ah shaqo ganacsi oo gaar ah:
Falalka Shakiga Dhalinaya (SAR) waa kuwa hubka dawladda ugu muhiimsan dagaalka lagula jiro lacagta la dhaqay iyo kuwo kale fal dambiyeed iyo kuwo kale ee faldambiyeed ee la xiriira maaliyadda. Warbixintaasi waa furaha qaybaha sida laga rabo ka hortagga qorshaha hoggaansanaanka lacagta la dhaqay. Kuwo badan oo Adeegyada Sameeya Shaqo Ganacsi Lacageed waxaa laga rabaa inay u fayl-gareeyaaan Warbixinta Falalka Shakiga Dhalinaya (SAR) markay ka shakiyaan inay dhab ahaan jirto falal ka soo horjeeda sharciga inay dhacday iyo markay falalkaasi gaareen wax micno leh oo u baahan in la wargeliyo. Noocyada Adeegyada Sameeya Shaqo Ganacsi Lacageed (MSBs) oo lagu dabaqayo adeegyada MSB. Warbixinta Falalka Shaki Dhalinaya (SAR) oo laga rabo waa:
Fulinta Nidaamyada Lagaga Hortagayo Falal Dambiyeedka la Xiriira Maaliyadda (FinCEN) waxay qadarinaysaa inay dib u saxdo xeerarka Warbixinta Falalka Dhalinaya Shakiga (SAR) in laga rabo qolada jeegaga lacagta caddaanka qaadato inay warbixiyaan falalka shakiga ku jiro. Adeegyada Sameeya Shaqo Ganacsi Lacageed (MSBs) oo sameeyo adeegyada qiimaha keydsan ma looga baahno inay ka soo bixiyaan falal shaki dhalinayo waqtiga hadda xaadirka ah. Tixraac http://www.fincen.gov/financial_institutions/msb/ haddii aad dooneysid casriyenta marka Adeegyada Sameeya Shaqo Ganacsi Lacageed ee laga rabo inay u fayl-gareeyaan Warbixinta Falalka Shakiga Dhalinaya (SARs) Adeegyada MBS waa inay u fayl-gareeyaan Falalka Shakiga Dhalinaya haddi uu macaamilka yahay labadaba:
Adeegyada Shaqo Ganacsi Lacageed (MSB) waa inay u fayl-gareeyaan Warbixinta Dhalinaya Shakiga (SAR) 30 maalin gudahood marka la oogaado inuu shaki ku jiro macaamil lacageed. Adeegyada (MSBs) oo aan lagu dabakhaynin Warbixinta Falalka Shakiga Dhalinaya sida kuwa soo saara, iibiya, ama dibugato qiimaha kaydsan, hadday doonaan way u soo fayl-gareeyn karaan Warbixinta Falalka Shakiga Dhalinaya (SAR) falal shaki ku jiro ka hooseeya xadka warbixinta laga rabay . Waa sharci darro in loo sheego qof ku lug leh macaamil lacageed in loo fayl-gareeyey Warbixinta Falalka Shakiga Dhalinaya (SAR). In la qariyo Warbixinta Falalka Shakiga ku jira waxay ka hor istaagi dadka laga shakiyo oo ku lug leh falal dambiyed inuu helo hab uu kaga baxsato qabashada dadka ku howlan fulinta sharciga. Tani xitaa waxay saacidi Adeegyada Shaqo Ganacsi Lacageed (MSB) oo fayl-gareeynayo warbixin. Warbixinta Falalka Shakiga Dhalinayo (SAR) iyo/ama macluumaadka ku jiro Warbixinta Falalka Shakiga Dhalinayo. Waa in la siiya keliya Fulinta Nidaamyada Lagaga Hortago Falalka Dambiyeed ee La Xiriira Maaliyadda (FinCEN) ama kuwo kale oo ku haboon fulinta sharcigaa ama wakiilka kormeerka marka la waydiisto. Macaamilo qaarkood oo shaki ku jira waxaa layskarabaa in si dhaqsi ah logga qaado ficil. Haddii Adeegyada Sameeya Shaqo Ganacsi Lacageed ( MSB) ay qabto sabab ay uga shakiso xawaaladda qofka sameynayo, ee looga yaabo inuu xiriir la lahaan karo argagixiso oo ka soo horjeeda Mareykanka. Adeegyada (MSB) waa inay is dhaqsi u wacaan Khatka toosan ee Hay'adaha Maliyadda 1-866-556-3974. Sidoo kale, haddi ay jirto shaki in la sameeyey xadgudub sharci-sida haddi ay jirto nidaam socdo iskudubbaridan ee la xiriira lacagta la dhaqay- waxaa layska rabaa si dhaqsi ah in loo siiyo taxatir weyn. Adeegyada, waa inay siiyaan ogeysiin haya'daha ku haboon fulinta sharciga. Sikastaba, Adeegyada (MSB) waa iney u fayl-gareeyaan Warbixinta Falalka Shakiga Dhalinaya (SAR) haddii Adeegyada (MSB) ay ku khasbanyihiin inay waajib ku tahay iney bixiyaan warbixin. Waxkaqabatka Layskarabo Sirqarinta Bangiga (oo lagu magacaabo "ammaan magangelin") waxay siin daafacaad masu'uulka ka saaran madani Adeegyada (MSBs) iyo shaqaalahooda oo u fayl-gareeynayo Warbixinta Falalka Shakiga Dhalinaya (SAR) ama warbixinta dhalinaya falal laga shakinayo. Warbixinta Falalka Shakiga Dhalinayo (SAR) waa in a fayl-gareeyan Adeegyada (MSB) ku daboolan marka adeegyada ay ogyihiin ama ay qabaan sabab ay ku shakiyaan marka macaamil lacageed ama ay jirto naqshad macaamilo oo shaki ku jiro iyo in ay lug ku leedahay $2,000 doolar ama wax ka badan. Macaamilka laga shakiyo waa hal ama wax ka badan kuwo soo socda:
Dhammaan Adeegyada (MSB) waa inay qabaan hab ay ku shaqeeyaan si ay u hubiyaan Warbixinta Falalka Shakiga Dhalinaya (SAR) in loo fayl-gareeyey marka ay habboon tahay. Marka shaqaalaha adeegyada (MSB) ay ka shakiyaan qof inuu ku jiro lacag dhaqid, oo ku howlan inuu sameeyo macaacmil xawilaad isagoo damacsan inuu ka dhuunto waxayaabihii laga rabay Waxkaqabashada Layskarabo Sirqarinta Bangiga (BSA) ama uu sameeynayo xawilaad aan ka muuqan wax sharciga waafaqsan ee aan lahayn sabab fiican oo la garan karo ama isticmaal adeegyo ganacsi lacageed si loogu fududeeyo falal dambi qofka shaqaalaha ah waa inuu soo wargeliyaa falalka isaga/ iyada maamulahiisa ama sarkaalka masuulka ka ah. Kaddib, haddii ay adeegyada ay u arkaan in loo baahan yahay in loo fayl-gareeyo Warbixinta Falalka Shakiga Dhalinayo (SAR), waa in loo fayl-gareeya Warbixinta Falalka Shakiga Dhalinayo (SAR) waana inay hayaan nuqul illaa 5 sanadood . Dokumentiyaasha taageeraya, sida xusuusta macaamilka xawilaadda lacagta, waa in lagu hayaa oo lagu lifaaqo koobiga foomka la fayl-gareeyey taasoo la haynayo illaa 5 sannadood laga soo bilaabo maalinta warbixinta la fayl-gareeyey.
Maxay Yihiin "Hantida Ka Timid Falal aan Sharci Ahayn"
Ooraahda "hantida ka soo jeedo falal aan sharci ahayn" micnaheedu waa lacag lagu maamulay fal dambiyeed. Tusaale: Qofka daroogada iibinayo wuxuu ka iibiyay qof daroogo isticmaalo qiimo $500 doolar oo dararog ah, Lacagtaa ka timid iibinta daroogada, $500 doolar waxaa lagu howl fuliyay iibin dorooga "waa raasumaal ka soo jeeda falal dambiyeed".
Maxay Yihiin Macaamilka Lacageed oo Loo Qorsheeyey In Lagala Dhuunto Waxyaabaha Ay Rabto Warbixinta Layskarabo Sirqarinta Bangiga (BSA)?
Tusaale: Qof macaamila ah ayaa doonaya lacag $11,000 doolar oo caddaan ah inuu ku sameeyo xawaalad isagoo doonayo inuu siiyo laaluush shaqaalaha adeegyadada (MSB) si aan loogu falyl-gareyn Warbixinta Macaamil Ganacsi Lacageed (CTR).
Maxay Tahay Macaamilka aan sameeyneyn Shaqo Ganacsi ama u Muuqan Wax Sharciga Waafaqsan?
Waxaa laga yaabaa macaamilo lacageed qaarkood in lagu sameeyo hab u muuqata si aan caadi ahayn ama shaki ku jira. Siday ahaataba, waxaa u sii dheer arrimo haddii ay ogaadaan dadka la siinayo warbixinta shaqo ganacsi, waxaa laga yaabaa inay ku jirto kashifaat macquuul oo sal leh markii hore u muuqaneyso wax aan caadi ahayn ama shaki ku jiro. Tusaale: qof macaamil oo ah macalin ka gabay shaqada, ayaa marar badan diro ama helo lacag xawilaad ah oo ka badan $2,000 doolar taasoo uga imaaneyso dadyow kala duwan. Adeegyada (MSB) waxaa laga yaabaa hor ahaantibo inay u arkaan macaamilka xawilaadaha wax shaki ku jira maxaa yeelay waxay u muuqataa "inay ahayn shaqo ganacsi macaalim ama aan waafaqsanayn sharciga iyo maxaa yeelay uma eko inay ka soo jeedaan ilo sharci ah." Sikastaba, haddii la hayo macluumaad dheeraad ah adeegyada waxay u arki karaan arrin shaqo ganacsi ah. Tusaale: macallinka oo ka gabay shaqada waxaa laga yaabaa si joogto ah inuu ugu isticmaalo xaraashka lagu sameeyo Internetka inuu iibsado oo haddana gado alaabo qaali oo qaraami ah.
Maxay Tahay Macaamilka Xawaalo oo ku lug-leh Adeegyada Sameeyo Shaqo Ganacsi Lacageed (MSB) oo u fududaynayso Falal Dambiyeed?
Tusaale: Adeegyada Sameeya Shaqo Ganacsi Lacageed (MSB) waxay ka shakin qof macaamil ah inuu u dirayo xawaalad lacag ah asagoo ku yaboohayo urur argagaxiso ah. Waa muhiim in la xusuusto baaxadda weyn ee kelia, sida lacag caddaan oo aad u badan macaamilkeed xawilaad, waa inaysan ahayn arrin lagu go'aansado in loo fayl-gareeyo "Warbixinta Falalka Dhalinayo Shakiga" (SAR). Waxyaabaha keenayo go'aankaasi, waxay ahaataba, waxaa ku jira arrimaha soo socdo: Baaxadda, inta mar soo noqnoqoshada iyo nooca macaamilka xawiladda. Adeegyada (MSB) khibrada ay u qabaan macaamilka ama shaqsiyo kale ama ururro ee la xiriira macaamil lacageed (haddi ay jirtaba); iyo nooca xeeraka xawilaadaasi ku jirto (MSBs) laynka ganacsi iyo nawaaxiga joqaraafiga. Marka hal wax kelia bixiso calaamo inuu macaamilka xawilaadda aan ahayn wax caadi ah ama laga yaabo inay ku jirto "shaki" waxaa la dhahaa "calanka gaduudan." Tusaale qaar ka mid ah calanka gaduudan caadi u ah. Qofka macaamilka Aqoonsiga ama macluumaad:
Macaamilo xawaalad oo hoos imaanaya warbixin ama diiwaangelin xadka ugu dhow ee laga rabo. Qofka macaamilka wuxuu sameynayaa macaamil xawilaad oo ka hooseyso xat ka hooseeysa inta laga rabo
Shakhsiyo badan ama meela badan:
Dhaqan Sharcidarro aan qarsoodi ahayn ee sameeynayo qofka macaamilka ah:
Adeegyada Sameeya Shaqo Ganacsi (MSB) oo si sax u xaqiijiyo ama xareyo qofka macaamilka aqoonsigiisa, waxay u badan tahay inay aqoonsadaan inay jirto falal shaki ku jiro oo loo baahan yahay in la wargeliyo.
Dhaqidda Lacagta nidaamyadeeda si aad ah ayey u ballaarantahay. Waxkaqabatka ugu weyn ee Federalka ee falalka lacagta la dhaqay waxay mar shiishka u saarneyd aqoonsiga iyo dokumentooyinka ee xawilaadaha lacagta badan. Iskudeyidda In laga Baxsado Warbixinta ama xusuushaynta ay dooneyso Waxkaqabashada Layskarabo Sirqarinta Bangiga (BSA) Qofka macaamilka ah wuxuu damci karaa inuu ka hayo macaamilkiisa xawilaadda in ka hooseeyso xadka laga doonayo in laga bixiyo warbixin iyo in la diiwaangeliyo.
Qofka macaamilka oo bixiyo waxaan kaafi ahayn ama/iyo macalumaad laga shakiyo. Shaqsi walibo iyo macaamil shaqo ganacsi kasta oo isku dayo in la baxsado inay bixiyaan aqoonsiga layska rabo sida:
Falalka is khilaafaya ee macaamilka shaqadiisa ganacsi ama xirfadiisa. Fiiri tusaale ahaan habudhaqanka macaamilka iskhilaafaya sida:
Sifooyin ama falal aan caadi ahayn, sida: Ogow sifooyin walba ee aan caadiga ahayn, sida:
Beddelaad macaamil ganacsi lacageed ama naqsho macaamil ganacsi lacageed Ka digtoonoow isbeddelka waxqabashada sida:
Shaqaalaha Fiiri habudhaqanka shaqaalaha sida:
Arrimaha nooca aan ku soo sheegnay qaybtan waxaa laga heli karaa, haddii baaris dheeraad ah la warsado, si ay u noqoto dhammaan si sharci ah. Isla xusuustan arrimo kale oo aan lagu soo qaadin halkani waxaa laga yaabaa inay ku jirto shaki haddi ay isbeddesho waxqabashada caadiga ah ee qofka macaamilka ah ama shaqaalaha gaar ah. Adeegyada Sameeyo Shaqo Ganacsi Lacageed (MSB) ama shaqaale Adeegyada (MSB), waa inaad adigu sameeysaa ka gar-naqid oo macquul ah. Adeegyada (MSBs) waa inay u hoggaansamaan xusuushaynta xeerarka iyo diiwaangelinta Waxkaqabashada Layskarabo Sirqarinta Bangiga (BSA). Kuwa soo socda waxay tilmaamayaan waxa.layska rabo qaarkood. Adeegyada (MSB) waa inay fayl-gareeyaan warbixinta macaamil kasta ee lacag oo ku lug leh lacag cadddaan ah oo soo gasho ama baxda in ka badan $10,000 doolar oo loo maray ama sameeyeen Adeegyada (MSB) maalin un isla qof ama qof matalayo (Fiiri 31 CFR103.22). Sidaa Darteed, waxaa loo baahan yahay Warbixinta Macaamil Ganacsi Lacageed (CTR) marka macaamil ganacsi lacageed uu la kulmo shuruudaha soo socda:
Isku Dar Macaamilo lacageed oo badan ee sameeyey qof ama qof isaga matalayo isla maalin waxaa loo tixgelinayaa inay tahay hal macaamil ganacsi lacageed, sida Warbixinta Ganacsi Lacageed ee u qasdineeyso. Si kale haddi loo dhaho, Adeegyada (MSB) waa inay u fayl-gareeyaan Warbixinta Macaamil Ganacsi Lacageed (CTR) hadday ogtahay in qofka macaamilka oo isku daray lacagta soo gashay iyo tan uu dirayo in ka badan $10,000 doolar isla maalin gudaheed. Lacagta caddaanka soo gashay iyo tan baxday Macaamilka lacagta caddaanka soo gashay waa in lagu daraa macaamilka lacagta caddaanka baxday si loo ogaado ujeedada warbixinta macaamil ganacsi lacageed (oo ka badan $10,000 doolar) in lagu sameeyay isla hal maalin ganacsi gudaheed. Fayl-gareynta Warbixinta Macaamilka Ganacsi Lacageed (CTR) Warbixinta Macaamil Ganacsi Lacageed (CTR) waa foom IRS 4789 Adeegyada Soo Uruuriyo Dakhliga Gudaha- waxaana laga heli karaa http://www.fincen.gov/financial_institutions/msb/ ama u wac IRS Form Distribuition Center 1-800-829-3676. Foomamka waa in lagu fayl-gareeyaa 15 maalin gudahood laga soo bilaabo maalintii la sameeyey mucaamilka ganacsi. Warbixinta Macaamil Ganacsi Lacageed waxay uga baahan tahay adeegyada (MSB) inay:
Alaabaha lacageed "diiwaan" - Iibsasho lacag caddaan ah ee jeega wareega -jeega socotada iyo alaabooyin kale lacageed Adeegyada (MSB) oo iibinayo jeega wareega, jeega socotada, ama alaabooyin kale lacageed ee lacag caddaan ah waa inay hubiyaan aqoonsiga qofka macaamilka ah iyo inay sameeyaan oo ay hayaan qoraal diiwan gelin iibsi waliba marku iibsigu lug ku leeyahay lacag caddaan ah inta u dhexeysa $3,000 doolar illaa $10,000 doolar iskudarkooda. (Fiiri 31CFR103.28), sidaa darteed waxaa loo baahan yahay marka:
Alaabaha Lacageed "Diiwaan" oo layska rabo waxay u baahan yihiin Adeegyada (MSB) inay:
Qaanuunka Lacagta xawilaadda oo loogu tala galay qofka dirayo lacagta xawilaadaha. Adeegyada (MSB) oo ogolaanayo tilmaam bixin inay diraan xawilaad lacag ee $3,000 doolar ama wax ka badan, waa inay hubiyaan aqoonsiga qofka macaamilka ee diraya lacagta, waana inay sameeyaan qoraal diiwaangelin ee lacagta xawilaadda , iyadoo loo firin habka lagu bixiyay ( Fiiri CFR103.33(f)) Taasoo u si dheer, macluumaadka qaarkood waa inay u socdaan siday yihiin, Adeegyada (MSB) waa inay diraan macluumaadka qaarkod, kan ku sii xiga ama hay'adda sameeynaysa xawilaadda. Dadka loo soo xawilay lacagta Adeegyada (MSB) oo oggolaaday tilmaansiin inay bixiyaan lacag xawaalad ee $3,000 doolar ama ka badan waa inay hubiyaan aqoonsiga qofka macaamilka ah ee qadanayo lacagta, waa inay sameeyaan ayna hayaan qoraal diiwaangelin lacagta la xawilay iyadooon loo fiirin sida lagu bixiyay. Waxyaabaha looga baahan yahay diiwaangelinta lacagta la gudbinayo:
Diiwaangelinta Iskubedelka Lacagaha Qofka kasta oo beddelo lacagaha waa inuu sameeyaa hayaana diiwaangelin iskubeddel waliba ee lacag ah oo ka badan $1,000 doolar (Fiiri 31 CFR103.37). Iskubeddelaadda lacagta waxay noqon kartaa midda gudaha ama waddamada shisheeye, ama waxay noqon kartaa labadaba. Sidaa darteed, diiwaangelinta iskubeddelaadda lacagta waxaa loo baahan yahay marka:
Tusaale: Qof macaamil ah ayaa wuxuu doonayaa inuu beddesho $3,000 doolar oo ku beddesho lacagta doolarka ee Kanada in u dhiganto doolarka Mareykanka, ama qof macaamil ah wuxuu rabaa inuu u beddesho $1,500 doolar lacag xaashi ah oo $20 doolar ah iyo $1,500 doolar inuu u beddesho $100 doolar oo xaashi ah. Sikastaba ha noqoto, macaaamilka ganacsi lacag waa in la diiwaangeliyaa. Waxyaabaha layskarabo diiwaangelinta iskubeddelka lacagta waxaa ku jira kuwo soo socda- iskubeddelka lacagta waa in la:
Warbixinnada oo Saacidayo Adeegyadda (MSBs) Inay Aqoonsadaan Macaamilada Ganacsi Lacageed ee Shakiga Ku Jiro.
Liiska Warbixinnada soo socda waxaa loo isticmaali karaa in lagu eego Adeegyada (MSB) oo laga yaabo inay ku jirto falalka lacagta la dhaqay.
Kuwo badan oo ah Adeegyada (MSB) waxay diyaariyaan, ama ay qabaan nidaamyo oo dhalinayo lacagta caddaan oo soo gashay iyo lacagta caddaan oo baxday. Inta badan, warbixinnadaas waxaa ku jira macaamil ganacsi lacag oo dhaaftay xadkii loogu talagalay.
Kuwa soo saara jeega socotada iyo jeega wareega iyo shirkadaha xawilaadda sameeya inta badan waxay diyaariyaan ama waxay qabaan nidaamyo dhalinaya warbixinno oo muujinayo macaamil ganacsi lacag oo laga yaabo inay ku jirto wax si gaar ah loogu tala galay - Ku talagalku waa in laga dhigo ama in laga soo bixiyo jeegag xisaabo u dhexeeyo laba ama ka badan bangiyo iyo sababtaasi awgeed iyagoo laga faa'idaysanayo sabbeynta -waa marka taasi waqtiga uu bangiga qaadanayo keydinta si loogu uruuriyo bangiga bixinayo warbixinnada. Warbixinnada oo muujinayo wax ugu tala gal ah waxaa laga yaabaa inay ku jirto kashifaad iyo nidaamyo falal oo aan caadi ahayn taasoo laga yaabo inay la xiriirto lacagta la dhaqay. Shirkadaha Sameeya Xaawaaladaha Lacagta waxay diyaarinayaan, ama ay qabaan nidaamyo oo dhalinayo maalin waliba macaamil ganacsi lacageed iyo warbixinno kale oo muujinayo koox kale-duwan macaamil xawaalad oo ku shaqaynayo nidaamkooda dhexdiisa (Tusaale: Waregga warbixinnada waxay tusi dhammaan xawilaadaha oo ka timid dalka A ee ku socota dalka B muddo waqtiyo qayaxan. Warbixinnadaasi waxay wax ka tari karaan nidaamyo oo aan caadi ahayn oo laga yaabo inay soo bandhigto lacagta la dhaqay. Hadba sida ku xiran noca warbixinta iyo soo noq-noqoshada, warbixinnadaas waxay saacidi karaan inay muujiyaan habudhaqan aan caadi ahayn ee qofka macaamilka. Warbixinnadaasi xittaa waxay saacidi karaan inay muujiyaan habudhaqan aan caadi ahayn ee adeega sameeya shaqo ganacsi sida wakiil shirkadaha wax xawilo. Warbixinnada gadidda alaabooyin lacageed inta u dhexeyso $3,000 doolar- $10,000 doolar iskudarkood waxaa loo baahan yahay xeerarka Waxkaqabashada Layskarabo Sirqarinta Bangiga (BSA), taasoo wax tari karta Adeegyada (MSBs) iney u muujiso, inay jiri karto falal ama nidaam aan caadi ahayn. Diiwaangelinta macluumaadka, waxay tusaale ahaan saacidi karaan aqoonsiga qofka macaamilka oo laga yaabo inuu yahay qof qorshanayo macaamil ganacsi lacag oo doonayo inuu ka dhuunto Waxkaqabashada Layskarabo Sirqarinta Bangiga (BSA) warbixintooda iyo diiwaangelintooda loo baahan yahay. Kuwa soo saara jeega wareega iyo jeega socotada waxay diyaarinayaan ama ay qabaan nidaamyo oo dhalinayo diiwaangelin maalin walbo shayga la keenay in lagu bixiyo soo saaraha xisaabtiisa bangiga. Kuwo badan ee soosaarayaasha waxay jaangooyeen qorshooyin oo lagu aqoonsan karo nidaam aan caadi ahayn ee alaabaha la xaqiijiyay. Warbixinnadaasi waxay noqon karaan kuwa si aad wax uga tara aqoonsi shayga oo laga yaabo in loo isticmaalayo ujeeddo aan sharci ahayn. Diiwaangelintani, oo u baahan xeerarka Waxkaqabatka Layskarabo Sirqarinta Bangiga waxay saacidi kartaa kuwo sameeya xawilaadda inay ka aqoonsadan inay ka jiri karto qorsho nidaamsan. Diiwaangelintaas ee $3,000 doolar ama ka badan ee xawilaadda iyadoo loo tixgelin qaabka lagu bixiyey waxay saacidi kartaa aqoonsiga dadka macaamilada oo laga yaabo inay qorsheeynayaan macaamilo ganacsi lacag oo ay rabaan inay ka dhuuntaan warbixinnada iyo diwaangelinta ee u bahan Waxkaqabashada Layskarabo Sirqarinta Bangiga (BSA) Qaar ka mid ah adeegyada sameeyo shaqo ganacsi lacageed (MSB) waxay isticmaalaan qorsho abaalgud macaamil si ay u dhiirigeliyaan inuu macaamilka ay soo noq-noqdaan. Waxbixinta waxay dhalinaysaa in la ilaaliyo shaqsiga macaaamilka jawaabtiisa ama macaamilka guud ahaan falalkiisa, taasoo u noqon karta wax tar weyn si loo aqoonsado macaaamilo ganacsi lacag aan caadi ahayn ama qorsho nadaamsan ee macaamil ganacsi lacageed. Sifooyinka soo socda waxaa loola jeeda in lagu saacido Adeegyada (MSB) inay aqoonsadaan falalka dambiilayaasha ay u isticmaalaan lacagta la dhaqay. Waxaa xittaa loola jeedaa in la sii xoojiyo dadaalka weyn oo lagu adkeynayo qorshaha aqoonsiga ee qofka macaamilka. Ugu dambeystii, walow tusaalooyinkaasi ay yihiin calaamo baaritaanno ee ugu horreeyn lug ku leh bangiyada, kuwaasoo siinayo duruus inay bartaan Adeegyada (MSB).
Howlfulinta Daboolka Labada Dacal
Laba bangi ayaa waxay bixiyeen warbixin falal shaki ku jira ee la xiriira isbeddel howlfulin ee dad macaamil ah. Labadaas warbixinno iyo baaritaanka warbixinta ee Macaamil Ganacsi Lacageed (CTR) ee dhinaca US Adeegyada Canshuurbixinta waxay saacidi inay isu keento baaritaan xeer qaran. Qof shaqaale ah ayaa wuxuu ku arkay hal bangi, qof macaamil dallaal ee alaabo qaali ah ee dumarka isku qurxiyo, oo dhiganaya lacag caddaan ah oo badan ($25 maliyan muddo 3 bilood ah) taasoo ahayn mid u qalanta haddii loo fiiriyo shaqadiisa ganacsiga ee caadiga. Taasoo u dheer in loo fayl-gareeyo Warbixinta Macaamil Ganacsi Lacageed (CTR) dhinaca macaamilka wixii ka badan $10,000 doolar isla hal maalin ganacsi gudaheed, hal bangi wuxuu u wargelinaya IRS (Adeegyada Uruurinta Daqliga Gudaha) iyo CID (Qaybta Baaritaanka Dambiyada ). Bangi kale, shaqaale oo fiiro dheer leh wuxuu ka shakiyey qof macaamil ah oo qabo dukaan cunto iyo adeegyo jeega lagu sarrifto lacagta caddaanka ah, wuxuu joojiyay inuu u qaato lacag caddaan ah jeegagii uu dhigay bangiga. Beddelaadan bangiga waxay tusaysa inuu wargeliyo saraakiisha fulinta sharciga. Isugayn labadaan bangiyo shakigooda wuxuu saacidi in la ogaado lana carqaladeeyo hawlfulin oo keeni lahayd lacag la dhaqay illaa $1, 2 baliyan muddo laba sano ah. In kabadan 127 qof ayaa la xiray, bangi shisheeyana waa la eedeeyay, ee dambi ayaa lagu soo oogay iyo hal tan oo muqaadaraad ee kokaiin ah ayaa la qabtay waxaana ka soo baxday tiro dad badan ee dambi lagu xukumay.
Hawlfulin C- Eryasho
Bangi ku yaala Luxemborg, laba laamihiisa ah, sagaal sarkaal ee bangiga iyo 75 shakhsiyood ee dallaal kale duwan ayaa la soo eedeeyey oo suurto gal ahayd inay ku lug leeyhin nidaam qorsheyn ee calaami ah ee lacagta la dhaqay. Eedeyn dembi ee dad tiro badan ayaa arrintan ka soo baxda. Hawlfulinta wuxuu ku shaqeynayay ujeedo ah lacagta la dhaqay iyadoo laga soo qaadayo lacag caddaan ah oo ka timid falal ka timid daroogo lana keenayo magaalooyin ku yaalo Mareykanka, sidoo kale hantida waxaa lagu soo qaadayay lacag caddaan ah taasoo la dhigayo xisaabo qarsoodi ah ee ku yaalo bangiyada Mareykanka Dadka ururrada isku xiran waxay sixiixayaan jeeg iska cad oo laga soo qaadayo xisaabta qarsoodiga, iyo marka ay dhacdo in lacagta la soo qaado, qofka madaxda ka ah hawlfulinta lacagta la dhaqay wuxuu ku galayaa tiradaasi jeeg iska cad wuxuuna u dirayaa qofka iska leh raasumaalka ama wuxuu u gadaa lacagta sarrifka suuqa madoow. Marka ay howlfulinta fidsanto, madaxa howlfulinta wuxuu sameynayaa kala wareejin kala duwanee howsha socota. Qaar raasumaalka ah ee xisaabaha qarsoon waxaa loo gudbinayaa xisaab qarsoodi noocyo la mid ah ee Ameerikada Dhexe si loo qariyo meesha asalkeedii hore ay lacagta ka timid, kuwa kalena waxaa loo gudbinayaa bangiyo kale ee ku yaala Mareykanka oo u sii gudbinayo bangiyo kale ee shisheeye . Labada marbo, raasumaalada loo xawilay bangiyo shisheye, waxaa la hakiyay 90 maalmood ee qirid hubaal ah ee dhigista iyo waxaa loo isticmaalay sida damaanad deeyn oo sameeyey Bangiga Ameerikada Dhexeoo u sameeyey kooxdiisa. Howlfulinta deynta waa la sii wadayaa, haddana waxaa la dhigayaa xisaabo qarsoon ee bangiga horayna loogu gudbinayaa jidadkii hore loo soo maray. Muddo kaddib, raasumaalkii oo loo soo gudbiyey labada bangi shisheeye waxaa lagu gatay qirad hubaal ah oo la dhigay bangi shisheeye kale. Qiradda hubaalka waxaa loogu isticmaalayaa rahmaad dayn oo sameynaya bangi saddexaad ee shisheeye ah, howshaasi oo dib loo soo gudbinaayo xisaabaha qarsoon ee bangiyada ee Mareykanka haddana laga xawilayo Mareykanka iyadoo loo xawilayo qofka xisaabta ku leh Koofurta Ameerika. Dadka isku dubarida wareegani waxay ahaayeen taxadir inay u digaan ka soo qaybgalayaasha in macaamiladan lacagta in lagu maamuli karo isku dardar kala duwan si looga hortago tusmo lagu deydo. Iyaga waxay isticmaaleen shaqo ganacsi sida hoteelo iyo maqaayado cunto, sida asalka hantida waxaa loo xawilaa xisaabo qarsoon. Isugeynta, nidaamka hawleed wuxuu awood u yeeshay inuuu qariyo $10 million bishiiba shaqada ganacsi ee daroogada.
Bangiyada Amaahda iyo Ganacsiga ee Calamiga (BCCI)
Bangiyada Amaahda iyo Ganacsiga ee Caalamiga waxaa la aasaasay sannadii 1970kii, wuxuuna ku soo baxay inuu yahay bangiga ugu weyn ee adduunka ee hay'ado maaliyeed ee lahaansho gaar ah, kaasoo leh howlfulin wax ka badan illaa 70 dal. Muddadii socotay howlfulinta bangiga, shaqaalaha bangiga waxaa laga helay inay lug ku lahaayeen falal badan ee sharci darro ah, taasoo ay ku jirto lacagta la dhaqay. Bangiga Amaahda iyo Ganacsiga ee Caalamiga wuxuu ku dhacay ciriiri maaliyadeeded sannadkii 1970, sababtoo ah inuu bixiyey deymo dhibaato la xiriira, laakinse iyagoo isticmaalay howl kale ee wax kala wareejin maaliyadeed oo khiyaamo ku jirto, wuxuu istaajiyay raasumaalka iyo masuuliyadda dadka bangiga kabo, iyagoo isku muujinayo inay yihiin hay'ado maaliyeed oo si fiican u habeysan . Baaritaannadii 1991 waxay keentay in Bangiga (BCCI) howlfulintiisa inay la wareegaan guddiyada nidaamraaca ee toddoba dal. Bangiga (BCCI) waxay gaareen caaradda ugu sarreysa ee arrimo muhiim ah oo uu sameeyo hay'ado maaliyadeed: hay'adaha maaliyadeed waa inay ka ahaadaan taxadir inay wax ka ogaadaan hay;adaha kale ee maaliyadeed oo ay la leeyihiin macaamil ganacsi. Iyagu, waa inay si fiican u baaraan kuwo ugu waaweyn oo wax ku leh bangiga ama kuwo saamiyaasha wax ku leh inay si fiican u eegaan tayada iyo kormeerka ee bangiyada shisheeye ka helayaan waddamadooda, iyo inay ka foojignaadaan raasumaalka aan sharciga ahayn oo hayadaha oo halis gelinayo si ay ku sameeyan raasumaal, taasoo ku jirto xisaabaha bangiga iyo alaabaha ku fadhiyo qiimo lacag iyo xawilaadaha lacagta kuwo taagan ama kuwo lala wareegay.
Howlfulinta Barafka Cagaaran.
Wakiilaha Fulinta Sharciga ee siddeed waddamo waxay u wada shaqeynayaan waabid howl fulin ahi; taasoo keentay xarig 167 qof iyo in gacanta lagu dhigo lacag caddaan ah ee $54 malyan ee doolar iyo raasumaalo kale. Howlfulinta Barafka Cagaaran wuxuu horseeday xarig dad badan oo ka hayay jagooyin sare hayado maaliyeed ayagoo lug kula lahaa madaxda Kokainka iyo ugu dambeystiina la xukumay. Xisaabooyin bangiyo badan ee adduunka ayaa la xayiray kaddib marka la helay xawilaado iyo keydsi badan ee la xiriira lacagta la dhaqay. Dalka Mareykanka waxaa la xayiray xisaabo bangi lalana wareegay magaalooyinka San Diego, Los Angeles, Chicago, Houston, Miami iyo New York. Bangiyada Mareykanka oo la dhigay kaydsi lacag caddaan ah oo la xiriirta arrintani, waxay wada shaqeeyen wakiilada Wakaaladaha Fulinta La Dagaalanka Daroogada iyo waxayna wadeen inay u fayl-gareeyaan Warbixinta Macaamil Ganacsi Lacageed (CTRs) taasoo siisay daliil dheeraad ah. Bankiyada dhexdhexaadka wax yar ayeey ka ogaan karaan macaamilka iyo halka khatarta ay u badan tahay in lagu isticmaalo qayb ka mid tahay xiriirada lacagta la dhaqay. Sannado badan ayaa Koongareeska wuxuu ansixiyay sharciyo badan oo lagula dagaallamayo lacagta la dhaqay. Waxaa laga yaabaa in tan ugu muhiiimsan ee sharciyadaasi ay tahay Waxkaqabashada Layskarabo Sirqarinta Bangiga(BSA) ee 1970, Kontaroolka Lacagta La Dhaqay ee 1986, Dhabargoynta Waxkaqabatka Xadgudubka Daroogada ee 1988, Annunzio-Wylie Waxkaqabatka ee 1992, Cadaadiska Waxkaqabatka Lacagta La Dhaqay ee 1994, Xeeladda Faldambiyeedka Maaliyadda ee Lacagta La Dhaqay ee 1998 iyo USA PATRIOT Act- Waxkaqabatka ee 2001. Waxkaqabatka Layska rabo Sirqarinta Bangiga ee 1970 (P.L.91-508) waxaa loogu tala galay:
Kontoroolka Waxqabatka Lacagta La Qabtay 1986 (P.L.99-570), qayb ka mid ah xadgudabka waxkaqabashada la dagaallanka daroogada ee 1986, waxay ka dhigtay lacagta la dhaqay dembi federal ah. Waxay abuurtay saddex gef dambiyo ee la xiriira falalka lacagta la dhaqay oo ay soo dhexmartay ama sameeyeen hay'ad maaliyadeed. Gefafkaasi waa:
The Xadgudabka Waxkaqabatka ee ladagaallanka daroogada ee 1988 (P.L. 100-690) waxay xoojisay dadaalka dhabargoynta lacagta la dhaqay siyaabo badan. Waxkaqabashada:
Waxkaqabashada Annunzio-Wylie ee Dhabargoynta Lacagta La Dhaqay ee 1992 ( P.L. 102-55-) wuxu xoojiyay ciqaabah hayadaha maaliyadeed oo lagu helo fal dambi ee la xiriira lacagta la dhaqay. Annunxio-Wylie waxay warsanayaan Xoghayaha Hantidhowrka Dawladda inuu:
Waxkabashada Layskarabo Sirqarinta Bangiga iyo la Taliyayaasha ( BSAAG), oo la aasaasay 1994, waxay kulmaan laba jeer sannad walba, waxayna wargelinayaan dadka matalayo adeegyada shariikadaha ku hawlan maaliyadda arrimo la xiriiro nidaamyo cususb ee soo kordhay iyo sida loo isticmaalayo bixinta warbixinta ee macluumaadka. Annunzio-Wyle waxay oggolaatay in Xooghayaha Hantidhowrka Dawladda in:
Waxaa sii dheer, Annunzio-Wyle:
TheJabinta Waxkaqabashada Lacagta La Dhaqay (MLSA) ee 1994 (P.L. 103-325) oo gaar ahaaneed loo soo jeediyay adeegyada (MSBs). Jabinta Waxkaqabashada Lacagta La Dhaqay (MLSA): Waxaa la weydiinayaa Adeegya waliba inuu is diiwaangeliyo qofka leh ama qofka kontaroolayaa adeegyada.
Waxkaqabatka iyo Xeeladda Dambiga La Xiriira Maaliyadda ee 1998 (P.L.105-310) wuxuu u baahan yahay:
USA PATRIOT Act ee 2001 (P.L.107-56) oo ah Iskuxernaasho iyo Xoojin Mareykanka taasoo siinaysa adeegyo oo ku haboon in lagu qabto iyo in lagu carqaladeeyo Waxkaqabatka Argagaxisada, wuxuu u baahan yahay:
Mareykanka ma aha keliya cidda la dagaalamaysa faldambiyeedka maaliyadda. Waddamo badan waxay ansaxiyeen sharciyo micno leh ee la xiriira la dagaallanka lacagta la dhaqay. Tiro badan ee ururro ee caalami ah iyo kooxiyo dalal badan waxay hirgeliyeen qaanuun badan iyo xeerar lagu dagaallamayo lacagta la dhaqay. Guddiga Basel Guddiga Basel wuxuu iskugu jira dad matalayo bangiga dhexe iyo awoodda kormeerka Belgium, Kanada, Faraans, Jarmalka , Itaaliya, Jabaan, Lussemburg, waddamada Natharland, Sbain, Iswiidhan, Ingiriiska iyo Mareykanka. Sannadkii 1988, Guddiga Basel wuxuu soo saaray " Bayaan Mabaadi" ee la xiriira lacagta la dhaqay, oo guud ahaan ku talinayso in laga helo macaamilka aqoonsi habboon iyo hoggaansanaanta sharciyada iyo xeerarka lagu dabakhayo macaamilada la xiriira maaliyadda. Jamciyadda Qaaruumaha (UN) Shirweynaha Jamciyadda Qaruumaha ee Lid Ku Ah Ganacsiga Sharcidarrada ee Daroogada Narkootigada iyo himirdooriyayaasha (Shirweynaha Vienna ) waxay ka dalbani saxiixayaasha inay ka dhigaan dembi dhaqidda lacagta, in la hubiyo Sirqarinta Bangiga in aysan noqon darbi aan laga gudbi karin si loo fuliyo baaritaanka dembiyada, iyo in la xoojiyo in laga saaro xaydhaabka sharci dejinta baaritaannada, dembi ku oogid iyo wadashaqaynta caalamiga. Xogga Waxkaqabatka Howlwadajireedka Maaliyadda (FAFT) Xogga Waxkaqabatka Howlwaajireedka Maaliyadda (FAFT) waxaa lagu abaabulay Kulan Dhaqaale, 1989, ee waddamamada warshadaha badankood. Waxaa laga soo saaray warbixin bixinayo 40 talooyin, oo xoojinaysa shirweynihii Vienna, taasoo ah sidii loo fulinlahaa iyo siddi loo hirgelin lahaa sharciga lacagta la dhaqay waddamada xubnaha ka ah dhexdooda. Isaga waxay kaloo sameeyeen qaanuunka iyo xeerarka dhaqidda lacagta ay aasaaseen Carribean Xogga Waxqabatka Howlwadajereedka Maaliyadeed iyo Ururka Dowladaaha Mareykanka. Warbixin Kale ee (FAFT) soo saartay ku saabsan wadammada aan ka dhaxeynin wadashaqeynta iyo gobollada loo aqoonsaday inay go'aansadeen qaanuno iyo inaysan ku shaqeyn iyo iney carqaladeyaan wadashaqeynta caalamiga oo lagu dhabargoynayo lacagta la dhaqay. Midowga Yurub Sannadkii 1991, Midowga Yurub waxay ka soo saareen amarro rasmi ah dhaqitaanka lacagaha taasoo u dhiganta asliga 40 talooyin ee FAFT. Waxay weydiisanyaan warbixin qasab ah ee la xiriira macaamilada ganacsi lacag oo shaki ku jira iyo aqoonsiga. Taasoo wax tar u ah milkiilaha iyo macaamilayaasha ee macaamilka ganacsi ee lacageed iyo xisaabaha. Kooxda Egmont Bartamaha ugu muuhimsan Kooxda Ururuka Sirdoonta Maaliyeed (FIUs) oo loo yaqaan Kooxda Egmont-waxay isku imaadeen inay u helaan jiho wadashaqayn ah, gaar ahaan xagga isdhaafsiga macluumaadka, wadaqabsi xirfadood, iyo inay gacan isku siiyaan wixii ugu dambeeyey Kooxda Ururka Sirdoonta Maaliyadda (FIUs). Waxaa laga yaabaa in midda waxtarka micno ugu weyn ee Kooxda Egmont inay tahay curinta shabakada badbaadsan ee Internetka. Egmond International Secure Web System- oo intooda badan kobcisay Fulinta Nidaamyada Lagaga Hortagayo Faldambiyeedka la Xiriira Maaaliyadda (FinCEN) oo u ogolaaneeyso xubnaha guddiga Egmond inay isla xiriiraan dhexdooda iyagoo isu marinayo wararka eemail oo la hubo, iyo in la soo saaro lana helo macluumaadka Kooxda Ururka Sirdoonta Maaliyadda (FIU) ,isbedbedelka lacagta la dhaqay ,baaritaannada adeegyada maaliyadda iyo horumarinta la xiriira cilmiga farsamada iyo wax - soo saarka.
Midda ugu muhiimsan ee (FinCEN) waxay ahayd inay awood u yeelatay inay soo saarto adeegyo oo ay ku taageereeyso baaritaannada federalka iyadoo ka soo uruurinayso macluumaad kuwa la jaalka ah ee Kooxda Ururka Sirdoonta Maaliyadda (FIU) ee caalamka. Macluumaadkaan oo lagu heli Kara kelia si dhib ah ama aan lagu heli karin si kale.
Tala wadaagta ee FinCEN bixiisay Fulinta Nidaamyada Lagaga Hortagayo Faldambiyeedka La Xiriira Maaliydda (FinCEN) waxay soo saartay waddamo talowadaag ah iyadoo ku boorineyso baaris xeel dheer macaamilada maaliyadeed ee waddamada u qaba kontrool yar dhabargoynta lacagta la dhaqay, talowadaagta waxaa laga daawan karaa www.fincen.gov xaga hoose ee faaxfaaxinta talawadaagta. Liiska Xafiiska Kontaroolka Maalingelinta Dibadda (OFAC) Qaybta Hantidhowrka ee Dowladda Mareykanka ee OFAC wuxuu soo saaray liis gaar u ah qaraamada iyo kuwa la cunnoqabateeyey( SDNlist ). Xeerarka OFAC wuxuu uga baahan yahay shaqooyinka ganacsi inay aqoonsadaan oo ayna joojiyaan raasumaalada wadamada bartilmaamsan, argagaxisada, madaxda daroogada iyo kuwo kale ee si gaar loo magacaabay. Liisaskani iyo tilmaamo qayaxan eek u saabsan nooca shaqada ganacsi ahaan karo ama aan ahaan karin kuwa lagula isticmaalo, xeerarka OFAC, tixraac shabakada website (OFAC) www.ustreas.gov/ofac.
Wakiil
Isugeyin
Laan
Soo Saaraha
Dhaqidda Lacagta Adeegyada Sameeya Shaqo Ganacsi Lacageed (MSB) Qof kasta oo sameynayo shaqo ganacsi ha ahaado si caadi ah ama si shaqo ganacsi isku uruursan oo siinayo hal wax ka badan adeegyada soo socda:
-IYO-
-AMA-
Lacag Gudbin
Dibugate
Habdhismo Tusaale Habdhismo
1. Hal qof ayaa wuxuu u kala jibinayaa macaamil lacag oo weyn labo ama wax ka yar-yar ee macaaamilo ah. —
2. Macaamil lacag oo weyn ayaa loo kala jebiyay laba ama kuwa yar-yar xawilaado oo sameeyey qof ama dad badan. —
Codsasho Macluumaad Badan
Foomamaka Waxkaqabashada Layska Rabo Sirqarinta Bangiga (BSA).
Guuris (Download):
Ka Dalbo:
Macluumaad iyo Waxyaabaha Ku Siinayo Tilmaamo oo Bilaash ah Ka Dalbo:
Ka Dalbo:
Jawaabaha ee Su'aalaha ku Saabsan Fayl-gareynta Foomamka Waxkaqabatka Layskarabo Sirqarinta Bangiga (BSA).
IRS-Detroit Computing Center
Fasiraadda Xeerarka ee Waxkaqabatka Layskarabo Sirqarinta Bangiga (BSA)
Fulinta Nidaamyada Lagaga Hortagayo Falalka Dambiyeed ee la XiriiraMaaliyadda
Warbixi Argagaxisada ee la Xiriira Falalaka Maaliyadda
Financial Institutions Hotline
Nidaamyada Lagaga Hortagaya Falalka Dambiyeedka ee
Daabacaadda ee Nidaamyada Lagaga Hortagaya Falalka Dambiyeed ee la |